Hab cusub oo loo qabanayo shirka wasiirada Puntland

Image
Image
Image
Image
Madaxwayne Deni ayaa nidaamkan wuxuu maanta kusoo bandhigay kulanka asbuuclaha ah.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maamulkan.

Kulankan ka dhacay caasimada Garowe ayaa todobaadkan looga hadlay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES) iyo Adeega danabeysan ee (E-Cabinet).

Wasaaradda Qorsheynta ayaa Golaha la wadaagtay Hab-maamulka mashaariicda, Qiimeynta iyo dabagalka ee (PIMES), oo ah hannaan casri ah oo online-ka lagala soconayo maamulka iyo xogaha mashaariicda dalka ka socda.

"Golaha ayaa soo dhoweeyay habkan casriga ah oo daah-furnaanta leh," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay barteeda Facebook-ga ku faafisay Madaxtooyadda dowladda Puntland.

Ugu danbeyn, Madaxtooyada ayaa Golaha u soo bandhigtay Adeega danabeysan ee (E-Cabinet), waa adeeg sahlaya in Shirka Golaha Wasiirada uu u qabsoomi hab casri ah iyadoo aan la adeegsanayn wax warqad ah.

"Wuxuu awood u siinayaa adeegaasi in Wasiiradu ay Shirka uga qeybgeli galaan hab-online ah, codkooda ku dhiibtaan, ajandaha iyo wixii falcelin ahna ay ku gudbiyaan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Deni ayaa "boggaadiyay shaqada fiican ee la qabtay, diyaarinta habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha ay khuseyso in la dedejiyo howlgelinta adeegan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM