Habka cusub ee Puntland dooneyso in ay kula dagaalanto jariifka

Image

GAROWE, Puntland – Hab cusub oo lagula dagaalamayo kalluumeysiga sharci darada ah ayaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo degaanada Puntland, sidda ay shaacisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Faarax Maxamed Cawaash, wasiirka wasaaraddaas, ayaa kalsooni ka muujiyey in ay dhaqan-geliyaan qorshahaas sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

"Qorshe waxaan keenay habka jariifka loola dagaalami karo, kalluumeysiga sharci daradda ah. Tobban xarumood in laga dhiso tobban magaalo oo xeebta ku taala Puntland oo dhan, xarun kastana agabkii iyo ciidan la dejiyo, taawarkii iyo isgaarsiintana lagu xiro," ayuu wasiirku u sheegay Puntland State Tv.

Wuxuu raaciyey: "Qorshahaas meel dhow [ayuu marayaa] sanadkii dhamaadey ma fulin, laakiin wuu dhadhow yahay in aan sanadkaan fulin doono".

Jariifka oo loo aqoonsadey dambi caalami ah waxaa ku lug-yeesha maraakiib iyo doonyo shisheeye, kuwaas oo aan haysan ruqsad, si sharci darro ahna ku jilaabta kheyraadka dhex-ceegaaga biyaha dalka.

"Marar badan waan ka hadlay, waan ku celinay. Jariifku waa aafo, waa musiibo, waa dhac hanti umad leedahay iyo kheyraad oo boob lagu hayo waa dambi caalami ah, waan sheegnay cid ku baxsan doonta ma jirto, waan sheegnay wuxuu lamid yahay argagixisada oo kale," ayuu hadalkiisu ku daray wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa xusay in wali uu sidiisii yahay go'aanka lagu joojiyey doonyaha ka yimaada dibada ee ka ganacsatada kaluunka, sababo la xiriirta ka hortagga faafitaanka cudurka safmareenka ah ee Covid—19.

Wallow uu qiray in go'aankaas uu saameeyay ganacsatada wadaniga ah, Mr Cawaash ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadda ku mashquulsan tahay qorsheyaal maalgeshi loogu keenayo si looga iibsado kaluunkaas.

Puntland ayaa leh 1600 KM oo xeeb ah, halkaas oo ay ku badan yihiin kalluunka iyo Kheyraadka kale ee dabiiciga ah. Marka laga hadlo guud ahaan degaanada Soomaaliya, waa mid kamida meelaha ugu kheyraadka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM