Halista "marxalad cusub" oo Soomaaliya ay gashay oo laga digay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa gashay mar-xalad cusub oo ujeedku yahay in lagu burburiyo nidaamka federaalka iyo dowlad dhisida, sidda uu todobaadkan ka dhawaajiyey madaxweynaha Puntland.

Wallow uusan ka shanqarin cidda abaabuleysa qorshahaas, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaadey xilli uu ka hadlayay ismiidaamintii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ugu magacownaa Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka oo sidoo kale ay ku nafwaayeen shan kale oo ay ku jiraan ilaaladiisa iyo walaalkiisa oo 64-jir ahaa.

Deni oo daaha ka rogay in ay socdaan abaabulka falal la doonayo in lagu wiiqo sumcadda iyo horumarka Puntland ayaa carabka ku adkeeyay in uu fahfaahinta dhowaan u soo bandhigi doono dadweynaha.

"Arrimo badan oo is-huwan oo siyaasadeed oo lagu wiiqayo dowladnimada iyo horumarka ay Puntland gaartay maalmaha soo socdo ayaan ka hadli doonaa haddii Ilaahey idmo. Dalkan [Soomaaliya] mar-xalad cusub buu galay oo la rabo in la baabi'iyo nidaamka federalism-ka iyo dowlad dhiska, la rabo in la wiiqo kala dambeynta, la rabo in la yiraahdo qof walba sharciga gacanta haku qaato, degmo iyo magaalo walba wax loo akhriyo, waxa laga helayo waa wax sheydaan falkiyey, wax wanaagoo ku jira ama ii muuqato, hadaf siyaasadeed oo laga heli karo ma ii muuqdaan," ayuu yiri, isagoo dhalinta ku booriyey in ay ka hortagaan.

Dhalinyaradda oo uu ku waaniyey in aysan noqon kuwa lagu huriyo dhibaatadaas la maleegayo ayaa cod dheer kaga dalbaday in garab istaagaan Puntland qayb ka noqdaan ilaalinta jiritaanka maamulkooda.

Beesha Caalamka ayuu ku dhaliilay in aysan diyaar u ahayn in ay Puntland ka taageeraan sugitaanka ammaanka iyo dhismaha ciidamo tayo leh.

"Isbedelka Soomaaliya lala rabo waa isbedel aad u qaliban oo aan waddo sax ah ku socon dowladnimo mideysan oo wada socoto oo federal iyo qaanuun ku dhisan waa midda aan annagu dooneyno, laakiin dowladnimada aan rabno waa mid hoos kasoo dhis ah oo kor loo dhisayo oo siyaasiyan iyo wadajir markii loo sameeyo; hay'addaha amniga ay noqdaan kuwa mid ah markaas ayaa la dhihi karaa aduunka meel qura ayuu wax ka taageeri karaa," ayuu tibaaxay.

Puntland ayuu ku nuux-nuux saday in ay wadajir ku wajaheyso siddii ay isaga caabin lahayd cid kasta oo khatar ku ah jiritaankeeda iyo nabad-gelyadeeda.

"Laakiin sidda hadda wax u socdaan waxaa noo muuqaneysa in la burburinaayo nidaamyaddii jiray oo caqabad badan lagu yahay cid kasta haka dambeyso, cid kasta iyagu ha uga dambeeyaan, falsafadahaasi cid kasta ha huriso, laakiin waxaan u sheegayaa Puntland dadkeeda siddii horey isugu tashteen in aan mar labaad isku tashano amnigeena iyo nabad-gelyadeena aan ka shaqeyno," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in isku dayeyso qalalaaso iyo amni darro ay ka abuurto maamul goboleedyadda kaga aragtida duwan siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM