Wadahadalo toos ah oo u bilowday Deni iyo Isimada gobolka Bari

Image
Illo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegey in maalinta berri ah la filayo in kulan kale uu dhexmaro Deni iyo Isimada.

BOOSAASO, Puntland - Wararka laga helayo wadahadalka u socda Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan Issimada gobolka Barri kuwaas oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegaya in ay meel fiican marayaan.

Kulankii maalintii Arbacada, Febraayo 24-keeda, dhexmarey labada dhinac ayaa wararku waxay tibaaxayaan "in la is-afgarad fiican la gaarey" iyadoo labada dhinac dib u balameen.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegey in maalinta berri ah la filayo in kulan kale dhexmaro Deni iyo Isimada kaas oo lagaga hadli doono sidii xal looga gaari lahaa xiisadii ka dhalatey xil-qaadistii lagu sameeyey agaasimahii hore ee ciidmaada PSF.

Issimada boqor Burhaan hogaaminayo ayaa, sida macluumaadyaddu caddeynayaan, waxay doonayaan in heshiiska lagu saleeyo qodobadii lixda ahaa ay ku soo saareen qoraalkooda.

Deni ayaa dhinaca kale doonaya in xal waara laga gaaro xaalkaan isagoo Issimada u sheegey in mas’uuliyd balaaran ka saaran tahay in dowlada kala shaqeeyaan amniga gaar ahaan kan magaalada Bosaso oo wayadaan dambe aad u soo xumaanyey.

Geesta kale, waxaa la sugayaa saacadaha soo socda in kuraasta xildhibaanda 16 ah oo yaala magaalada Bosaso qaarkood lagu dhawaaqi doono xiliga la qabanayo.

Xarunta gobolka Bar ayaa tan iyo intii uu ka dhacey dagaalkii u dhexeeyey ciidmaada Puntland waxa sii xumaanayey amnigeeda iyadoo kooxda Al- Shabaab weeraro qaraxyo wata ka gaystey kuwaasoo waxyeelo kasoo gaartey rayid iyo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM