Hantida PSF oo loo go'aamiyay Agaasimihii xilka laga qaadey

Image

BOOSAASO, Puntland - Kadib kulan 10 maalmood socday, waxay Isimada gobolka Bari war kasoo saareen xaaladda Boosaaso, iyagoo go’aamiyay in ay dhaqan-gasho digreetadii Madaxweyne Deni uu xilka uga qaadey agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano 24-kii bishii lasoo dhaafay.

Waxay Isimada sheegeen in dowladda Puntland laga doonayo inay bixiso mushahaarka 13 bilood, oo ka maqan Ciidanka PSF, taasoo kamid ah shuruudaha agaasimhii hore uu xilka ugu wareejinayo midka cusub ee loo soo magacaabey hay’adda Maxamed Amiin.

Qoraalka Isimada oo ka kooban shan qodob ayaa waxaa ku jira qodobo ay kamid yihiin in Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Diyaano inuu isaga leeyahay guryaha, hubka iyo Gaadiidka haya’adda PSF ku shaqeynaysay.

Waxay dowladda Puntland ka dalbadeen inay bixiso mushahaarka Ciidanka ilaalada gaarka agaasimhii hore, sidoo kale ay hay’adda PSF ay u wareejiyo meel kale, maadaama xaruntii ay ku shaqeynaysay u xukmiyeen inuu leeyahay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Lama oga inay dowladda aqbali doonto dalabka Isimada, kaasoo kusoo beegmaya xili dhawaan Madaxweyne Deni sheegay in aan ka shaqeyn doonin Puntland hay’ad dowladeeda oo shaqsi leeyahay, waxaana u uku adkaystay go’aankiisa in PSF hogaankeeda lamid noqdo midka hay’adaha kale ee amniga.

PSF oo Mareykanka uu taageero ayaa mudo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM