Haweenay katirsanaan jirtay ciidanka Puntland oo la dilay

Image

GALKACYO, Puntland- Haweenay katirsananaan jirtay ciidamada dowladda Puntland, ayaa saaka waabarigii hore lagu dilay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, xilli la sheegay inay u socotay xarun ganacsi oo ay ku gadi jirtay cuntada fudud.

Marxuumad Warsan Faarax Yacquub, ayaa waxaa dilay qof ku ku hubaysnaa mid kamid ah Qoryahay fudud, waxaana wararku tibaaxayaan in kahor intuusan dilin isku dayay inuu dhibaatooyin kale u gaysto, balse is-difaacid ay samaysay kadib uu ku dhuftay hal Xabo taasoo sababtay inay goobta ku naf-weydo.

Ninkan oo ilaa hadda habtiisa la aqoon ayaa wararku sheegayaan inuu baarasho kale u gaystay dad kale oo ka agdhawaa goobta Warsan lagu dilay.

Lama oga falkan inuu xiriir la leeyahay kuwii hore ee ay magaalada Galkacyo ka gaysan jireen kooxo loo malaynayo inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo in kale.

Toogashada ayaa ka dhacday Taliska qaybta gobolka.

Majirto cid loo soo qabtay kiiskaas iyadoo aysan wax war ah kasoo saarin maamulka gobolka iyo kan degmada Galkacyo.

Warsan Faarax ayaa waqti haatan muddo laga joogo katirsanaan jirtay ciidanka Booliiska gobolkaasi mudug.

Amniga Galkacyo oo muddooyinkii dambe wanaagsanaa ayaa ka dhacayay dilal qorshaysan kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayay saraakiisha ka agdhow madaxtooyada iyo shakhsiyaadka hal-doorka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM