Haween lacag ugu deeqey amniga gobolka Mududg {Dhageyso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Haweenka gobolka Mudug ayaa sheegay inay iska ururiyeen lacag dhan 10,000 doollar oo ay tilmaameen inay ugu tala galeen sidii loogu hormarin lahaa ammaanka.

Lacag dhan 7,000 oo doollar ayaa maanta lagu wareejiyay wasiirka wasaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab".

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan aya sheegtay in haweenka gobolku isku xil-qaamen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ammaanka.

Dhudi waxay xustay inay lacagta u gudbiyeen madaxweynaha balse u wakiishay wasiirka Amniga iyo gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, waxaana ku dhiman sida ay sheegtay Saddex kun oo doollar oo dhawaan wareejin doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM