Haweenka Puntland oo taageeray wasiirrada Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Haweenka Puntland, ayaa maanta xaflad taageero ah u qabtay wasiirrada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre gaar ahaan dumarka lagusoo daray xukuumadda.

Munsaabadda oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, ayaa hambalyo loogu diray haweenka lagusoo daray golaha wasiirrada, waxaana mahad-celin loogusoo jeediyay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

Qaar kamid ah haweenka ku dhaqan caasumadda Puntland, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin qoondada dumarku ay ka heleen xukuumadda Somalia.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xafladdaas joogtay ayaa xustay inay ku faraxsantahay boosaska sare ee dumarku ka heleen wasiirrada Somalia.

Wasiirka wasaaradda haweenka Puntland, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumim ayaa hambalyo u dirtay dhammaan dumarka Somaliyeed gaar ahaan xubno jagooyinka ka helay Barlamanka iyo xukuumadda.

Anisa, ayaa xustay in Puntland dadaal dheer ku bixisay sidii dumarka looga qaby galin lahaa siyaasadda islamarkaana uga soo bixi lahayd qoodada 30% ee kuraasta aqalka hoose.

Wasiirka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta la fahmay muhiimadda dumarka iyo wax-qabadka ay ku leeyihiin bulshada dhex-deeda, waxayna Madaxda Somalia gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Khayre uga mahad-celisay sida ay kor ugu qaadeen dumarka islamarkaana ugu dhiibeen xilalkaas muhiimka ah.

Soo dhaweynta wasiirrada dumarka ah ee dowladda Somalia, ayaa kusoo aaday xilli golaha xukuumadda ee Ra’isal wasaare Khayre lagusoo daray ilaa 6 dumar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM