Shaqaalihii Puntland TV oo shaqo joojin sameeyey

Image
Image
Image
Image
Image

Sept 27, 2014 (GO)- Waxaa maanta oo Sabti ah shaqo joojin sameeyey dhammaan shaqaalihii telefishinka Dowladda Puntland oo xaruntiisa ugu weyni tahay magaalada Garowe.

Mid kamid ah weriyeyaasha ka howlgala Puntland TV ayaa Garowe Online u xaqiijiyey arrintan, wuxuuna intaas ku daray in sababta tallaabadaas u qaadeen tahay kaddib markii muddo labo bilood ah aan la siin mushaharaadkii iyo gunnooyinkii kale ee ay heli jireen oo sida shaqaaluhu ku doodayaan dowladu bixisay haseyeeshee uu Agaasimaha TV-ga Cabdifataax Nuur Ashkir musuq maasuqay.

Weriyaha oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, wuxuu intaas ku daray in maamulka telefishinka marar badan cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyeen, haseyeeshe Agaasime Cabdifataax Nuur Ashkir uu si cad ugu sheegay inaan taas isaga waxba laga weydiin karin. 

" bishii July iyo bishan socota ee September midna nalama siin wax mushahar ah iyo gunno toona, agaasimaha hadii aan la hadalnayna wuxuu noo sheegay inaan taas waxba laga weydiin karin" Weriyaha u waramay GO ayaa sidaas yiri.

Shaqaalaha TV-gu waxay sheegeen in mushaharaadkii shaqaalaha ee bilaha July iyo August  dowladu bixisay, balse agaasimuhu bixiyey hal bil oo qura bisha kalena isagu akoonkiisa gaarka ah ku shubtay. Musuq maasuqa lagu soo eedeeyey Agaasime Ashkir waxay shaqaaluhu ku doodayaan inay cadaymo qoraal ah u hayaan.

Hal-wadeenada telefishinka oo iyaga shir gaar ahi xilligan Garowe uga socdo, waxaa sida aan wararka ku heleyno lasoo xiriiray mas'uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada, kuwaas oo ku war geliyey in ay xaaladda dejiyaan saacadaha soo socdana uu la kulmi doono Madaxweynuhu.

Dhanka kale, waxaa sida Garowe Online loo xaqiijiyey Cabdifataax Ashkir saaka amar ku siiyey ilaalada xarunta telefishinka ku hadla afka Dowladda Puntland in qofkii kamid ah shaqaalaha ee amar diido sameeya xarunta bannaanka uga saaraan.

Mudooyinkii u dambeeyey waxaa shaqaalaha iyo Agaasimaha cusub ee TV-ga ka dhex aloosnaa muran xoogan, maadaama hawl-wadeenada telefishinku ka biyo diideen ku tagrifal awoodeed iyo hanti lunsi uu sameeyey Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir) oo labo bilood kahor [August 3, 2014] Madaxweyne Cabdiweli Gaas usoo magacaabay TV-ga dowladda.

Waxaa xusid mudan in telefishinku bishan September horraanteedii muddo dhowr maalmood ah hawada ka maqnaa, kadib markii lala daahay lacagtii lasiin jirey satalaydka uu TV-gu ku jiro.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM