Hay'adda Jidadka PL oo ka digtay in wadooyinku burburaan

Image

October 6, 2014 (GO)-Kulan maanta oo Isniin ah ka dhacay xarunta Hay'adda Jidadka Puntland (PHA) Garowe ayaa lagu magacaabay guddi si deg deg ah ula socda xaaladda wadooyinka kadib markii kooxaha saadaasha hawadu  sheegeen in sanadkan roobab ka badan sanooyinkii hore ay ka di'i doonaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha PHA Maxamuud Cabdinuur Aadan oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in guddigaan la magacaagay ay ka kooban yihiin labo qaybood oo isha ku hayn doono waxyeelada roobabku ay gaarsiiyaan wadooyinka Puntland.

''Ka dib markii ay curteen xiliroobaadka Dayrta saadaashuna sheegtey roob ka badan roobkii caadiga ah inuu da'ayo , ayaa Hay'adda wadooyinku waxay magacowday koox gurmad ah oo wadooyinka isha ku haynaya xaalada wadooyinka, uruurinayana xogta wadooyinka, si ay u sahlanaato in wax laga qabto wixii bur bur uu gaysto roobku''.

Egn.Cabdinuur ayaa ugu baaqay  dadwaynaha Puntland inay kusoo wargaliyeen Hay'adda wadooyinka waxyeelooyinka soo gaaraya wadooyinka inta lagu gudo jiro xili roobaadka Dayrta.

''Waxaa ka codsanaynaa Gaadiidleyda, Rakaabka iyo dhamqaan dadwaynaha isticmaala wadada dheer ee laamiga ah iyo wadooyinka leexsan inay usoo gudbiyaan masuuliyiinta Jidadka si looga hortago burbur wadooyinka ku yimaada''.

Hadalka Gudoomiyaha wadooyinka Puntland ayaa imaanaya xili roobab mahiigaan ahi ka da'een gobaladda Puntland kuwaasoo qaarkood saamayn ku yeeshay nolasha qoysaska reer guuraaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM