Hay'adda Jidadka PL oo ka digtay in wadooyinku burburaan

Image

October 6, 2014 (GO)-Kulan maanta oo Isniin ah ka dhacay xarunta Hay'adda Jidadka Puntland (PHA) Garowe ayaa lagu magacaabay guddi si deg deg ah ula socda xaaladda wadooyinka kadib markii kooxaha saadaasha hawadu  sheegeen in sanadkan roobab ka badan sanooyinkii hore ay ka di'i doonaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha PHA Maxamuud Cabdinuur Aadan oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in guddigaan la magacaagay ay ka kooban yihiin labo qaybood oo isha ku hayn doono waxyeelada roobabku ay gaarsiiyaan wadooyinka Puntland.

''Ka dib markii ay curteen xiliroobaadka Dayrta saadaashuna sheegtey roob ka badan roobkii caadiga ah inuu da'ayo , ayaa Hay'adda wadooyinku waxay magacowday koox gurmad ah oo wadooyinka isha ku haynaya xaalada wadooyinka, uruurinayana xogta wadooyinka, si ay u sahlanaato in wax laga qabto wixii bur bur uu gaysto roobku''.

Egn.Cabdinuur ayaa ugu baaqay  dadwaynaha Puntland inay kusoo wargaliyeen Hay'adda wadooyinka waxyeelooyinka soo gaaraya wadooyinka inta lagu gudo jiro xili roobaadka Dayrta.

''Waxaa ka codsanaynaa Gaadiidleyda, Rakaabka iyo dhamqaan dadwaynaha isticmaala wadada dheer ee laamiga ah iyo wadooyinka leexsan inay usoo gudbiyaan masuuliyiinta Jidadka si looga hortago burbur wadooyinka ku yimaada''.

Hadalka Gudoomiyaha wadooyinka Puntland ayaa imaanaya xili roobab mahiigaan ahi ka da'een gobaladda Puntland kuwaasoo qaarkood saamayn ku yeeshay nolasha qoysaska reer guuraaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM