Hay'da bisha Cas ee dalka Imaraadka Carabta oo xoolo qaybisay

Image
Image

Sep 25, 2015 (GO)- Dawlada Imaaraatka carabta ayaa ka fulisay mashruuc xoolo qaybin ah maalinimadii Arbacada  deegaanada Puntland gaarahaan magaalada Bosaso.

Ugu yaraan 1000 qoys oo reerkiiba ka koobanyahay 5 qof kana mid ah dadka gudaha ku barakacay [IDP] ayaa loo qaybiyay hilibka Ciidul Adxa oo ay ku deeqday hay’ada Bisha Cas ee dalka Imaaraatka Carabta. 

Hawshaaan ayaa hawl-wadeeno ka ahaayeen, Samafayaal gudaha ayaa waxay u qab-soontay siwanaagsan. Kadib markii laga soo baxay Salaada Ciidul Adxa Waxaa la bilaabay gowraca xoolahaas iyagaoo ay goob joog ka ahaayeen wakiilada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta iyaga oo furay mashruuca qaybinta hilibka. Kadib markii la dhameeyay qaliinkii  ayaa waxaa mid mid gacanta looga galiyay qoysaskii baahnaa ee kaararka la siiyay iyada oo mid walba loogu geeyay meeshii ay daganaayeen. 

Dadweynihii Hilibka loo qaybiyay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyaga oo u mahad celiyay hay’ada bisha Cas ee  dalka Imaaraadka Carabta sida hagar la’aanta ah ee ay marwalba u garab taagantahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee ma ahayn markii u horaysay ee dawlada Imaaraadka Carabta iyo hay’ada bisha cas ay ka fuliyaan mashaariic khayri ah guud ahaan Somaaliya gaar ahaana Puntland.

GAROWEONLINE, Bosaso

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM

Soomaaliya: Hoggaamiyaha Daacish oo La La’yahay Iyadoo Kooxdiisa looga adkaadey Dagaalka Cal-Miskaad  

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore si maldahan u sheegay in Muumin laga yaabo in la dilay.

  • Puntland

    22-10-2025

  • 06:06PM