Go'aamo laga soo saaray dagaalka Qorilay gobolka Sool [Dhagayso]

Image

26 September, 2015(GO)-Xildhibaan Cabdi Samatar "Surcad" oo ka mid ah Barlamanka Puntland qaybna ka ah wafdi Burtinle ku sugan ayaa ka waramay go'aamo ka soo baxay kulamo madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo odoyaasha dhaqanka ku lahaayeen degmadaasi.

Surcad, waxa uu sheegay shirarka Burtinle ee gobolka Nugal inay salka ku hayaan sidii hishiis nabadeed loo dhex dhigi lahaa beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Xildhibaanka oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in la isku afgartay qodobadan;

1 - In dad deegaanka Buurtinle  oo lagu tirinayo inay qayb ka yihiin dagaalka soo dhaweeyaan joojinta colaada.
2 - In nabadda la wada qaato
3 - In dadka walaalaha ah oo dirirtu dhexmartay loogu kaalmayn dagaalka ee maslaxadda laga wada shaqeeyo
4- In dowlada Puntland qaadato mas'uuliyadda ugu saraysa ee xalinta, qaboojinta iyo xal u helista mushkiladaas.
5 - In xiriiro lala sameeyo wax garadka gobollada Cayn iyo Sool si ay uga qayb qaataan xallinta dagaalkaasi.

Xildhibaanku waxa sheegay inay jiraan qodobo kale oo ka baxsan kuwa kor ku xusan.

Docda kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camay oo saxaafadda la hadlay xilli uu ku sugnaa Jalam Jimcihii, waxa uu tilmaamay qorshahoodu inuu yahay sidii loo dhammayn lahaa colaadda Qoriley, dowladduna ku sugnaan doonto inta xal laga helayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM