Hishiiska Ballarinta Dekedda Bosaso oo la saxiixay

Image

Waxaa goordhaweyd magaalada Dubai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta lagu kala saxiixday hishiis u dhaxeeya dowladda Puntland iyo shirkadda DP World kaasoo ku salaysan ballaarin iyo casriyayn lagu sameeyo dekedda magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Hishiiskan waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo wehilyaan saraakiil katirsan dowladda iyo mas’uuliyiinta shirkadaas.

Gaas ayaa waddanka Imaaraadka u tagay inuu dhammaystiro mashruucan oo uu sheegay in laga dhaxli doono faa’iido weyn xilli todobaadkan uu ka dhoofayay magaalada Garowe.

Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga hayn waxyaabaha rasmiga ah ee ku cad hishiiskan labada dhinaca, ayaa wararku waxay sheegayan in dhawan shirkaddu bilaabi doonto dhismaha dekedda.

Shirkada DP World ayaa hishiisyo kala duwan kula jirta dalka Jabuuti iyo maamulka Somaliland oo dhawaan ku wareejiyay dekedda Ber-bera taasoo ay ku samaynayso ballaarin iyo dayactir.

Somaliland ayaa shirkadaas kula hishiisay in muddo 25 sano ah maamusho dekedda Berbera.

Lama oga in sida maamulka Somaliland oo kale Puntland ku wareejin doonto dekedda Bosaso.

Qorshahan ayaa kusoo aaday xilli golayaasha dowladdu ay ansixiyeen mashruuc lagu dhisayo garoonka diyaaraha Galkacyo iyo waddo Laami ah oo isku xiri doonta Garowe iyo Eyl gobolka Nugaal.

Mashruucaas ayaa waxaa fulin doono shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka China taasoo dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM