Hogaan cusub oo loo magacaabay ciidanka Madaxtooyada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maata ah wuxuu magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada, sidda lagu sheegay wareegto.

Digreetada oo lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda waxaa lagu xaqiijiyey in G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Sidoo kale, Gaashaanle Sarre Cabdirisaaq Axmed Cali, sidda ku xusan wareegtadan uu arkay Garowe Online, ayaa laga dhigay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Hoos ka akhriso Wareegtada


Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada.

Garoowe : 14, May, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Ciidamadda Madaxtooyadda dowladda Puntland oo mas'uul ka ah ammaanka Aqalka looga armiyo maamulka ayaa waxaa dhowaan lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo diiwaan-gelinta casriga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM