Hoggaamiyihii Al-qaacidada Yemen oo duqeyn lagu diley

Image

June 16, 2015 (GO)- Al-qaacidada dalka Yemen ayaa xaqiijisey in duqeyn dhacday dhowr maalmood kahor lagu diley hoggaamiyehoodii Nasir al-Wuhayshi.

Farriin muuqaal ah oo maanta oo Talaado ah lagu baahiyey shabakadaha internetka ayaa lagu sheegay in al-Wuheyshi lagu diley duqeyn ay fulisey diyaarad bilaa duuliye ah oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mukallah ee gobolka Xadru-mowt.

Muuqaalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in xilkaas si kumeel gaar ah loogu soo magacaabay Qaasim al-Riimi. Ninkan ayaa  horay usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha guud ee al-Qaacida, Ayman al-Tawahiri.

Dhanka kale, af-hayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in duqeyntaas iyagu fuliyeen laguna diley hoggaamiyihii al-Qaacidada Yemen iyo afar qof oo kale.

GAROWE ONLINE+Aljazeera

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM