Hooyada Caasha: Raga gabadheyda qashay cadaaladda hala marsiiyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland – Laba bilood ayaa laga joogaa markii la kufsaday kadibna la dilay Caasha Ilyaasi Aadan, gabar 12-sano jir ahayd.

Kiiskaan oo gil-gilay quluubta Umadda Soomaaliyeed ayaa illaa iyo haatan waxaa loo hayaa afar ruux, kuwaasi oo baaris lagu sameeyay.

Laamaha amaanka Puntland ayaa ku waramaya in ay soo afjareen baaritaanka kufsiga, maxkamadna lasoo taagayo ragga la hayo.

Hasa yeeshee, maama Seynab Cabdiwahaab, ayaa dhaliishay qaabka loo sameeyay baaritaanka, iyaga oo dalbaneysa in aan la garab marin cadaaladda.

"Ragga gabadheyda kufsaday ee qashay waa la yaqaan, si degdeg ah maxkamad haloo soo taago," ayay tiri iyadoo taagaan goobta meydka lasoo dhigay.

Shakiga soo galay reerkaan ayaa ka dambeeyay markii ay u yimaadeen saraakiil ka socota dambi baarista oo "la tuhun-sanayaa" ka dhigay eedaysanayaasha.

Inkasta oo sharciga uu dhigayo in qofka aan dambiile loo aqoonsan karin inta ay maxkamadi ku helayso, haddana qoyska Caasha waxay u baahi qabaan cadaalad.

"In ay noo yimaadaan laba bilood kadib ayna nasoo xusuusiyaan waxay noola mid tahay geeri kale," ayay tiri haweenay daris la ah reerka dhibanaha.

Madaxwayne Deni oo bishii Maaj qaabilay qoyska Caasha oo uu ku jiro Aabaheed ayaa wacad ku maray in cadaalada la tooganayo cidii dambiga ku cadaado.

"Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay [seygeyga] in rag loo hayo kufsiga … waxaan ka codsaneynaa in dad noola soo taago cadaalada," ayay Seynab xustay.

Kiisaska la xiriira kufsiga ayaa indhowaanahaanba waxay kusoo badanayaan degaanada Puntland, iyadda ay haatan yaaliin laba aad u culus.

Dowladda oo sheegtay in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwa lasoo abaabulay ayaa hoosta ka xariiqday in ay si adag ula tacaaleyso kuwa sameeya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM