Hooyada Caasha: Raga gabadheyda qashay cadaaladda hala marsiiyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland – Laba bilood ayaa laga joogaa markii la kufsaday kadibna la dilay Caasha Ilyaasi Aadan, gabar 12-sano jir ahayd.

Kiiskaan oo gil-gilay quluubta Umadda Soomaaliyeed ayaa illaa iyo haatan waxaa loo hayaa afar ruux, kuwaasi oo baaris lagu sameeyay.

Laamaha amaanka Puntland ayaa ku waramaya in ay soo afjareen baaritaanka kufsiga, maxkamadna lasoo taagayo ragga la hayo.

Hasa yeeshee, maama Seynab Cabdiwahaab, ayaa dhaliishay qaabka loo sameeyay baaritaanka, iyaga oo dalbaneysa in aan la garab marin cadaaladda.

"Ragga gabadheyda kufsaday ee qashay waa la yaqaan, si degdeg ah maxkamad haloo soo taago," ayay tiri iyadoo taagaan goobta meydka lasoo dhigay.

Shakiga soo galay reerkaan ayaa ka dambeeyay markii ay u yimaadeen saraakiil ka socota dambi baarista oo "la tuhun-sanayaa" ka dhigay eedaysanayaasha.

Inkasta oo sharciga uu dhigayo in qofka aan dambiile loo aqoonsan karin inta ay maxkamadi ku helayso, haddana qoyska Caasha waxay u baahi qabaan cadaalad.

"In ay noo yimaadaan laba bilood kadib ayna nasoo xusuusiyaan waxay noola mid tahay geeri kale," ayay tiri haweenay daris la ah reerka dhibanaha.

Madaxwayne Deni oo bishii Maaj qaabilay qoyska Caasha oo uu ku jiro Aabaheed ayaa wacad ku maray in cadaalada la tooganayo cidii dambiga ku cadaado.

"Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay [seygeyga] in rag loo hayo kufsiga … waxaan ka codsaneynaa in dad noola soo taago cadaalada," ayay Seynab xustay.

Kiisaska la xiriira kufsiga ayaa indhowaanahaanba waxay kusoo badanayaan degaanada Puntland, iyadda ay haatan yaaliin laba aad u culus.

Dowladda oo sheegtay in dhacdooyinkaan ay yihiin kuwa lasoo abaabulay ayaa hoosta ka xariiqday in ay si adag ula tacaaleyso kuwa sameeya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM