Howlgal laga fulinayo Boosaaso iyo booliska Puntland oo war kasoo saarey

Image

BOOSAASO, Puntland - Taliyaha booliska Puntland, Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ay howlgal ka fulin doonaan Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kadib markii ay kusoo kordheen dilalka qorsheysan.

Isagoo ka hadlayay Shir jaraa'id, taliye Muxudiin ayaa sheegay inay diyaareen ciidamo gaar ah, oo howlgala ka sameynaya Boosaaso, isagoo ugu baaqey shacabka inay la shaqeeyaan, islamarkaana xogaha la wadaagaan hay'adaha amniga.

Ciidamada ayuu sidoo kale kula dardaarmay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan dadweynaha, islamarkaana si wanaagsan ula dhaqmaan, islamarkaana aysan shaacin macluumaadka lala wadaago.

Magaaladda Boosaaso ayaa mudooyinkii dambe martigelinaysay dilal iyo weeraro, ay fulinayaan kooxaha argagaxisadda Al-Shabaab iyo Daacish ee saldhigyada ku leh buuraleyda gobolka Bari.

Afartii bishan waxaa gudaha Dekedda Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa madaxii Shirkadda P&O ports u qaabilsanaa furdada magalaadda, iyadoo dilkiisa raggii geystay ay ciidamada toogteen.

Al Shabaab, oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda, kana howlgasha buuraha Galgala ayaa sheegatay dilka Paul Anthony Formosa, oo kasoo jeeday dalka Malta.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dilkancambaareeyay, waxaana uu ka codsaday shacabka iyo laamaha amniga inay iska kaashadaan kahor tagista falalka noocan ah, oo dhaawaca dhaqaalaha iyo maalgashiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM