Howlgallo dad lagu soo qabtay oo Nugal ka dhacay

Image

GAROWE- Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal Cabdiraxamaan Abshir Farax, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay in kadan 50 ruux kadib howlgallo ciidamada ammaanku kasameeyeen gobolka Nugal.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in shakhsiyaadkaasi lasoo qaybtay lagu tuhmay falal amni darro, wuxuuna xusay inay arrintaasi la wadayo islamarkaana Puntland oo dhan si xawli ah uga socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha qas-wadayaasha ah.

Taliyuhu, wuxuu fariin adag u diray dadka taksiilayaasha ah iyo kuwa iska leh hotellada, isagoo uga digay inay kaxeeyaan amba guryahooda dajiyaan cidaysan hubin amnigooda.

Qofkii arrintaasi lagu qabto ayuu Cabdiraxmaan Abshir sheegay in sharciga la horgayn doono islamarkaana lala xisaabtami doono.

Howlgalladan, ayaa yimi kadib markii dhawan lasoo afjaray dagallo lala galay mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM