​Howlgallo ka socda magaalada Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ee caasumadda Puntland, waxaa muddooyinkan ka socday howlgal la xariira dhinaca ammaanka iyo hormarka kasoo laga dareemay guud ahaan daafaha degmada.

Howlgalkan oo isugu jira laba dhinaca ayaa lagusoo beegay xilli dhawaan la filayo in Puntland uu yimaado Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaritaano u badan habeenkii ayaa ciidamada ammaanku ka sameeyaan gudaha magaalada iyodoo la hubinayo gaadiidka iyo dadweynaha saaran.

Inkastoo aan faah faahin laga bixin ujeedka ka dambeeya in arrinta la sameeyo, hadana dowladda ayaa goor sii horaysay sheegtay in kooxda Al Shabaab dhibaato amni ku hayso guud  ahaan Somalia.

Dhinaca kale maamulka gobolka iyo kan degmada oo is-feer socda, ayaa wada bur-burinta dhismayaal sharci darro ah oo laga dhisay waddooyinka magaalada xilli la filayo in qaybtood la saaro Laami.

Duqa degmada oo goor sii horraysay la hadlayay warbaahinta, ayaa wacad ku maray inay dhulka la simi doonaan dhammaan dhismayaasha soo galay Jidadka iyadoo aysan jirin cid loo aaba yeelayo.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Nugal, Cumar Faraweyne oo uu wehelinayo Taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo Mukhaadaraadka Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa saaka cagaf galiyay guryo ku yaalla magaalada xilli duqa degmada Garowe isna uu waday howlgal noocaas oo kale ah.

Lama oga sababta keentay in gobolka iyo degmadu shaqadaas wada qabtaan xilli howlaha caasumadda ay u xil-saarantahay in dowladda hoose.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday waqti muddooyinkii dambe magaalada Garowe ay kusoo badanayeen falal la xariira furashada Mobillada iyo khilaafaadka ka dhasha dhulka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM