Idaacada SBS Australia oo wareysi uu ka caroodey ka qaadey Madaxweyne Gaas [Dhageyso]

Image

MELBOURNE, Australia- Idaacada SBS oo ka hadashay dalka Australia magaaladiisa Melbourne ayaa laanteeda Af-Somaliga waxaa ay wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Wareysigaan oo dhinacyo badan taaabanyey ayaa Madaxweynaha Puntland wax laga waydiiyey barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan isagoo sheegey in dowladiisu muddada u dhiman ku dhameyn doono qorshahaan iyo in kale.

Madaxweyne Gaas ayaa diidey su'aal la waydiiyey Inuu ka jawaabo taasoo aheyd sida ay suurtagal u tahay in waqtiga u dhiman xukuumadiisa ku hirgalin karo barnaamijkaan maadaama Sadex sano ee la soo dhaafey waxba uusan ka qaban.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa diidey su'aal aheyd in amaanka Puntland aad xun yahay inta uu xilka hayey gaar ahaan magalaada Bossaso isagoo xusey in xarunta ganacsiga ka amni badan tahay xiligii ay talada haysey dowladii ka horeysay isagoo misaal ahaan u soo qaatey sanadihii 2011, 2012 iyo 2013.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegey in xukuumada cusub ee Federaalka aan wax laga waydiin ayna aheyn arin isaga shaqo ahaan u taal.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Gaas oo sheegtey Inuu wax badan qabtey inta uu talada Puntland hayey ayaa ku tilmaamey hadalada Fadhi ku dirirka eedymaha loo soo jeedinayo kadib markii la waydiiyey su'aal ah in sida laga filayey iyo sida uu noqdey kala fog tahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGAN OO DHAMEYSTIRAN 

GAROWEONLINE + SBS 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM