Idaacadda VOA-da oo Puntland laga joojiyay

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Qoraal saaka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland, ayaa lagu joojiyay shaqada Idaacadda VOA-da ka hayso deeganada Puntland.

Qoraalka ayaa lagu xusay in laanta Afka Somaliga VOA-da baahisay warar aan sal iyo raad lahayn, kuwaasi oo dhaawac u gaysanaya sumcadda iyo dowladnimada Puntland.

Idaacadaha FM-yada ah ee baahiya ayaa lagu amray inay joojiyaan tabinteeda inta eedaymaha VOA-da loo gudbinayo Maxkamdda, waxaana Gudoomiyaasha gobollada iyo taliyaasha la faray inay xil iska saaraan hawshaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo joojiyay shaqada Idaacadda fadhigeedu yahay Maraykan-ka, balse waxaa loo malaynayaa inay la xiriirtu warbixin ka hadlaysa su'aalihii Barlamanka Puntland weydiyeen Madaxweyne Gaas iyo is-casilaada Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Idaacadda VOA-da.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM