Idaacadda VOA-da oo Puntland laga joojiyay

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Qoraal saaka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland, ayaa lagu joojiyay shaqada Idaacadda VOA-da ka hayso deeganada Puntland.

Qoraalka ayaa lagu xusay in laanta Afka Somaliga VOA-da baahisay warar aan sal iyo raad lahayn, kuwaasi oo dhaawac u gaysanaya sumcadda iyo dowladnimada Puntland.

Idaacadaha FM-yada ah ee baahiya ayaa lagu amray inay joojiyaan tabinteeda inta eedaymaha VOA-da loo gudbinayo Maxkamdda, waxaana Gudoomiyaasha gobollada iyo taliyaasha la faray inay xil iska saaraan hawshaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo joojiyay shaqada Idaacadda fadhigeedu yahay Maraykan-ka, balse waxaa loo malaynayaa inay la xiriirtu warbixin ka hadlaysa su'aalihii Barlamanka Puntland weydiyeen Madaxweyne Gaas iyo is-casilaada Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Idaacadda VOA-da.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM