Imaaraatka oo hub iyo gaadiid dagaal ku daabulaya Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka ay heleyso shabakada Garowe Online ayaa xaqiijinaya in laga bilaabo bartamihii bishii Oktoobar illaa hadda ay magaaladda Boosaaso ka degeyaan diyaarado sida saanad hub iyo gaadiid dagaal oo si sanqadh-tirasho ah lagu dajinayo.

Hubkan ayaa waxaa toos loo geynayaa xero ciidan oo uu Imaaraatka horey u maamulayay, haatana ay gacanta ku hayaan shirkado, una badantahay in Imaaraatka uu dib ula wareegay.

Lama oga ujeedka laga leeyahay imaanshaha ciidankaan iyadoo warraku sheegayaan in gawaarida gadiid ee loo yaqaan RG-33 oo kor u dhaafaya boqol kuwa soo ay la socdaan ciidamo gaaraya 180 ay dageen xerada ciidanka PMPF ku leeyahay magaalada Boosaso.

Sidoo kale hubkan iyo saanadan ciidan ayaa kusoo aadaysa xilli uu dhammaad yahay muddo xilleedkii madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shacabka magaalada Boosaaso oo uu warka aad u dhex qaaday ayaa isweeydiinaya waxa ay diyaardahaan dajinayaan kuwaas oo ilaa haatan sameeyey 12 duulimaad.

Dalka Imaraadka ayaa xero ciidanka uu ku tababari jirey  ku lahaa magaalada Muqdisho balse la xirey kadib markii uu xumaadey xiriirka Farmajo iyo Abu Dhabi. 

Madaxweynaha Puntland oo ku jira qorshe muddo kororsi ayaa waxaa welwel wayn ka muujinayaan shacabka Puntland inuu adeegsado kuwaas mushahar ka qaata Dowladda Imaraadka. Dowladda Federaalka iyo tan Puntland ayaan labaduba ka hadlin hubkani oo uu hareeyay shaki badan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM