Imtixaanka shahaadiga ah ee iskuulada Puntland oo dib loo dhigay

Image
Xiligii horey loo qaban-jiray, xukuumadda waqtiga ka dhacayo ayaa qabatay doorashooyinka muranka hareeyay.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa shaacisay xiligga rasmiga ah ee sanadkaan uu bilaabanayo imtixaanka midaysan ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare.

10-ka bisha lixaad ayuu imtixaanku ka bilaabanayaa gobalada iyo degmooyinka Puntland iyada oo ay u muuqato in sanadkaan la dib dhigay xiligii markii hore imtixaanka loo fariisan jiray.

Sanad walba 25-ka bisha shanaad ee May ayaa imtixaanka midaysan ay u fariisan jireen ardayda Puntland balse sanadkaan ayaa dib loo dhigay iyada oo xiligiisi ay xukuumadu hirgelisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo uu hareeyay muran xoogan.

Ku dhawaad 30 kun ayaa cel-celis ahaan u fariista imtixaankaas sanad kasta iyada oo lagu dhaliilay xukuumadihii Puntland soo maray jihayn la'aanta ardayda soo qalin jabisa sanad kasta.

Xukuumadda Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si gaar ah lagu tilmaamay mid aan usoo jeesan shaqo u abuurka dhalinyarada iyo hirgelinta mashaariic ay shaqo ka heli karaan tiro badan oo dhalinyaro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM