Imtixaanka shahaadiga ah oo ka bilowday Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland -  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa maanta si rasmiya u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland ee sanad Dugsiyeedka 2020-2021.

17, 735 (Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday ayaa imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021 u fariistay,  5,708 ( Shankun Todoba Boqol iyo Sideed) oo ka mida waxay u fariisanayaan Dugsiyada Sare, halka

12, 027 (Labiyo Toban Kun, Labaatan iyo Todoba) arday ay u fariisanayaan Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland, 132 goobood ayaa looga fariistay Imtixaanka.

Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%.

Sida ku cad warbixinta, ka qayb-galka gabdhaha ee Waxbarashadu waxay ka boqolay badan yihiin kan wiilasha, taasna waxaa sahashey juhdi Dowladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay gelisey sidii habluhu qayb uga noqon lahaayeen Waxbarashada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, gaar ahaan Xafiiska Imtixaanaadka juhdiga ay geliyaan qabsoomidda, si habsamileh  imtixaanaadka Puntland sanad walba.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa wuxuu Alle ugu baryey inuu imtixaanka u fududeeyo Ardayda Puntland ee maanta u fariistay Imtixaanaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM