Indhaguran: "habacsanaan ayaa ka jirta maxkamadaha G. Mudug"

Image

19 August, 2015 (GO)- Gudiga madaxweynaha Puntland u magacaabey nabad galyada iyo garsoorka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii lasoo dhaafey kormeer ku tagey xarunta Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Mudug.

Gudiga ayaa socdaalkoodan u jeedkiisa u ahaa sidii ay ugu kuur gali lahaayeen shaqada Maxkamada iyo shaqalaaha aqoontooda.

Gudoomiyaha Gudigaasi ahna wasiirka wasarada ganacsiga iyo warshadaha Cabdiwali Xirsi Cabdule "indhoguran" ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ay u kormeerayaan maxkamada waxaana uu sheegay in habacsanaan ka jirtay maxkamada gobolka mudug.

Gudigaan ayaa la kulmey caqabado dhinaca ciidamada ah kadib markii la sheegey iney diideen in tarakoob lagu sameeyo iyadoo mushaharkooda maqan yahay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM