Intee la egtahay Miisaaniyadda Puntland 2022 oo la ansixiyay?

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2022, taasoo ay usoo gudbisay dhawaan Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka Maanta oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Garowe ayaa Xildhibaanno gaaraya 44 u codeysay Miisaaniyadda cusub, iyadoo uu ka aamusay hal Xildhibaan oo kaliya.

Miisaaniyadda dowladda Puntland ee sanadka soo socda ayaa gaareysa $354,093,039 [Saddex boqol iyo Konton iyo Afar milya, sagaashan iyo saddex kun, sodon iyo sagaal dollar].

Xildhibaanada ayaa sidoo lale loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay usoo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda, oo laga dooni doono Xeerka Rugta Ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM