Is-mari-waaga Deni iyo Karaash oo waji cusub yeeshay

Image
Lama saadaalin karin bar-dhamaadka iyo cawaaqibka uu yeelan doono khilaafkan.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa badalay saddex kamid ah wasiiradda ugu muhiimsan xilli khilaafka kala dhaxeeya madaxwayne Deni uu sii xoogeystay.

Wareegto xalay kasoo baxdey Karaash ayaa lagu sheegay in isbadalkan uu sameeyay kadib markii uu tixgeliyey "shaqada baaxadda leh ee shacabka Puntland ka sugayaan xukuumadda".

Wasiiradda uu Karaash magacaabay ayaa kala ah;

1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland

2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.

Deni oo Muqdisho u jooga tartanka madaxtinimadda Soomaaliya ayaan wali caddeyn mowqifkiisa. Asbuucii hore wuxuu buriyey isbadal uu Karaash ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.

Axmed Karaash ayaa hadda ku sugan Boosaaso halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen ciidanka PSF kuwaa oo ay hore isu khikaafeen Madaxweyne Deni wallow isu-soo-dhowaansho gaareen.

Talaabadda uu qaadey Karaash ayaa ka dhigan in khilaafka labadda mas'uul ee ugu sareysa Puntland uu galay mar-xalad iyo waji cusub kaasoo bar-dhamaadkiisa iyo cawaaqibkiisa aan lasii saadaalin karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM