Is-rasaasayn dhex-martay ciidanka Badda Puntland iyo kooxda Af-duubka u gaysatay Markabka Aris 13

Image

BOSASO, Puntland- Warar ka imaanaya deegaanka Xaabo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in dowladda Puntland wado qorshayaal ku aadan sidii loosoo furan lahaa Markab ku gooshayay Calanka dalka Sri Lanka, balse ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali Shire Maxamud, ayaa warbaahinta u sheegay inay jirto is-rasaasayn dhex-martay ciidamada Puntland iyo kooxda haysatada Markabka.

Isku dhaca labada dhinac ayaa yimid kadib markii Laash yar uu damcay inuu u tago Markbaas.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay Laashkaas iyo ujeedka uu ugu socday Markabka, waxaana loo badinayaa inuu Cunto u waday Kooxda Aris Saaran.

Ciidanka badda Puntland, ayaa ku hareeraysan Markabkaas iyado wararku xusayaan inay jirto dhawaac soo gaaray mid kamid ah ciidanka PMPF-ta.

Khasaaraha isku dhaca ayaa la sheegayaa inuu gaarsiisanyahay dhaawaca Labo askari oo katirsan ciidanka badda Puntland.

Dhinaca kooxda kale war rasmi ah lagama hayo.

Guddoomiyaha Caluula, ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo kooban.

Markabkan oo la qabsaday Isniintii lasoo dhaafay, ayaa lagu hayaa nawaaxiga degmada Caluula.

Holwgalka la dagaallanka Burcad badeeda Somalia ee Midowga Yurub, ayaa lagasoo xigtay inuu ragga haysta Markabka ay shardi lacageed oo aan cadadkeeda la aqoon ku xireen Markabkaas.

Kooxaha Af-duubka gaystay ayaa sheegtay inay yihiin Kalluumaysato ay dhibaateen Markaabii dowladda Puntland kusoo daysay xeebaha.

Falkan ayaa ilaa hadda la aqoon inuu salka ku hayo Burcadnimo iyo in kale, balse waxaa tallaabooyinkan laga suuliyay deegaanada Puntland sannadkii 2012.

Balse, inay soo laabato ayay ka digeen Kalluumaysato kadib markii dowladdu wax ka qaban wayday cabashadooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa falalka Jariifka iyo xaalufinta lagu hayo badda, taasoo ay sii dheertahay in la bur-buriyo agabka Kalluumaysatada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM