Isbedel lagu sameeyay hogaanka bileyska Sanaag iyo Karkaar

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar ee maamulkan.

Sidda laga soo xigtay wareegto xalay kasoo baxdey xafiiska Deni, Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed, sidda ku cad digreetaddan uu arkay Garowe Online, loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Hoos akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.

Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Isbedelkan lagu sameeyay talisyadda ciidamadda gobolada Sanaag iyo Karkaar ayaa imaanaya xilli Puntland u diyaar-garoobeyso doorashooyinka goleyaasha degaan oo noqonaya qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM