Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa wuxuu maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa cod dheer wuxuu muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya.

Deni ayaa u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

Munaasabada waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Madaxda Hay’adda UNICEF iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

Dhanka kale, madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Madasha wadatashiga ee wax ka qabashada Nafaqo darada iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid xubnaha Goleyaasha Dowladda, Agaasimeyaal guud iyo Hay’addaha taageera Barnaamijyada wax looga qabanayo nafaqo darada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM