Isimada Nugaal & Gaas oo booqdey aqalka madaxweynihii hore ee Puntland

Image

July 31,2015 (GO)- Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka gurigiisa uu ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe ku booqdey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kulanka labada madaxweyne ayaa diirada saarayey xog wareysi iyo u tacsiyeen madaxweyne Farole oo geeri naxdin badan bishii April,2015 ku timid xaaskiisa AHN Aamino Abiib.

Dhinaca kale Issimada gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Siciid Garase ayaa booqasho ugu tagey madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole.

Kulamada madaxweynihi hore ee Puntland la yeelanayo Isimada, madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa imaanaya maalmo kadib markii booqasho ku yimid magaalo madaxda Garowe 29 July,2015.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM