Isimada Puntland oo Bayaan culus kasoo saarey Doorashada [Daawo]

Image
Image

GAROWE, Puntland - Isimada Puntland oo kulan guud isugu yimid maanta oo Isniin ah, ayaa soo saarey bayaan ka koobnaa 4 qodob oo ku saabsan doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay qabsoonto 8-da bishan soo socota ee January, 2019.

Sida ku xusan bayaanka, Isimada ayaa ugu baaqey dhinacyada ay taabaneyso inay ka shaqeeyaan sidii ay u noqon lahayd doorashada lagu go'aaminayo mustaqbalka Puntland mid daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Musharixiinta ayay ku booriyeen inay ku kalsoonaadaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixinta Gollaha Wakiiladda cusub ee Puntland, islamarkaana ay meel iska dhigaan khilaafka.

Waxay Isimidu ka codsadeen Taliyayaasha Amniga in aanu musharax gaar ah la safan, islamarkaana aysan xakameynin dhaqdhaqaaqiisa iyo ololihiisa siyaasadeed ee doorashadda.

Odayaasha waxay rajo aad u wayn ka qabaan in coddeynta ay noqoto mid ka fog wax isdamarin baahsan, sidda ku cad warka qoraalka ah.

Ugu dambeyntii, Isimadu waxay ka dalbadeen shacabka inay doorkooda ka ciyaaraan sidii doorashadu ugu dhici lahayd jawi xasiloon, oo lamid ah sidii doorashooyinkii lasoo dhaafay ee maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM