​Isimada Puntland oo beesha caalamka ka diiday 4.5

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan maanta ay ku yeesheen magalada Garowe Ergayga gaarka aha ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Somalia Michael Keating iyo Isimadda Puntland ayaa looga hadlay nidaamka lagu salaynayo doorashada Somalia ee 4.5, waxaan madax-dhaqameedka Puntland u sheegeen Wakillada inaysan qaadanayn habkaas. 

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, Afhayeenka Isimada Puntland oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shirkoodii PDRC kusoo dhammaaday "Qaata 4.5 iyo qaadan mayno", isagoo xusay in go'aankooda kala simanyihiin dowladda iyo shacabweynaha Puntland. 

Ciid, ayaa xusay inay usoo gudbiyeen wafdigan dalab ah inay taageeraan habka lagu go'aamiyay magalalada Muqdishu, isagoo layaab ku tilmaamay taageerada Michael Keating u muujiyay in lagu laabto habka qabaliga ah ee laga soo gudbo. 

Afhayeenku, wuxuu xusay in wakiilka kasocda IGAD usoo sheegay in isimadu heli doonaa jawaab waqti aan la cayimin. 

Dhammaan kulamadii uu Wakiilka Qaramada Midoobay la qaatay dhinacyada kala duwan ee bulshada kusugan magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa kusoo dhammaan mowqif midaysan oo ah inaan la qaadan 4.5. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM