Isimada Puntland oo ka hadlay xaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Isimada Puntland ayaa Maanta ka hadlay xaaladda ka taagan Boosaaso, ee ka dhalatay xilka-qaadistii agaasimaha PSF-ta.

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen Isimada, ayaa ku baaqey in wadahadal iyo qaab nabadeed lagu dhameeyo xiisadda, oo laga foogaado dagaal iyo gacan ka hadal keeni kara barakac iyo khasaaro nafeed.

Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu ka digayo in tallaabo military ay dowladda uga jawaabto diidmada xilka qaadista agaasimaha PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaano uu ku sameeyay Madaxweyne Deni Arbacadii lasoo dhaafey.

Boqor Burhaan: "Waa nasiibdarro in waxyaabahan oo kale dhacaan, waxaana ka sii liidata in wax laga qabanwaayo, oo xaaladda faraha ka baxdo".

Isimo kale oo ay kamid yihiin Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad, Beeldaaje Cali Faarax, Beeldaaje Maxamed Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil iyo Suldaan Ciise ayaa si isku mid ah ugu baaqey in nabada lag shaqeeyo, oo colaadda laga digtoonaado.

Waxay sheegeen in aan Boosaaso xamilo karin xiligan dagaal, loona baahan yahay inay labada dhinac u turaan shacabka, oo si hoose oo wadahadal ah ku xaliyaan khilaafka taagan, islamarkaana aan la siyaasadeyn ciidanka difaaca ee ku jira jiida hore ee dagaalka cadowga.

Xiisadda Boosaaso waxay timid kadib markii Maxamuud Cismaan Diyaano uu diiday xilka-qaadista, isagoo billaabey abaabul Ciidan iyo inuu askarta kasoo saaro difaaca Galgala xili la filayay inuu u hogaansamo sharciga, oo xilka ku wareejiyo Maxamed Amiin, oo lagu bedelay.

Wasiirka Amniga Puntland C/samad Gallan ayaa sheegay in aan laga aqbali doonin shaqsiyaad inay afduubaan masiirka Ciidanka PSF oo tan iyo aas-aaskeedii 2004 hal qoys soo xukumayay.

Maxamuud Cismaan Diyaano wuxuu xilka kala wareegay Asad Diyaano oo Jan 2019 ka qeybgalay tartanka doorashadda Madaxtinimada Puntland, waxaaya hay'adda PSF xukunkeeda ka dhaxlay aabihiisa Cismaan Diyaano oo mudo dheer soo hogaaminayay illaa Faroole uu xlka ka qaadey 2010.

Lama oga in baaqa Isimada wax ka bedeli doono jihada hadda ku socoto xaaladda Boosaaso, oo ciidamo badan la geeyay, kuwaasoo iska horjeeda, waxayna arinta cabsi gelisay shacabka magaaladda ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM