Iska hor-imaad dhimasho sababay oo ka dhacay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Iska hor imaad khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo, kadib dagaal dhexmaray ciidamo katirsan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Sida Garowe Online u sheegeen dad goob joogayaal ah iskudhaca ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo katirsan Galmudug ay weerar ku qaadeen Gaari Iskarogo ah oo nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ku sugnayd kaasi oo ay wateen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo katirsan ciidamada Puntland ee Garoonka ku sugnaa ayaa ku dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac, halka Galmudug dhankooda dhimashada la sheegay inay gaarayso labo qof.

Ciidamo katirsan kuwa isku dhafka ah ee gobolka Mudug ayaa kala dhexgalay labada ciidan oo muddo is-rasaasayn xooggan dhexmaraysay.

Majirto cid katirsan labada dhinac oo ka hadashay dhacdadaas oo kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe Galkacyo ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo lala eeganayay mas’uuliyiin katirsan dhinaca Puntland.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa dagan inkastoo laga dareemayo xiisadda dagaalkii barqankii ka dhacay nawaaxiga Garoonka Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM