Iska horimaad ka dhacey Garowe iyo Taliye ka hadlay [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe oo wayadii dambe amnigeeda faraha ka baxay ayaa saaka aroortii dadka dagan waxay ku tooseen dayanka rasaasta ka dhaceysa taasoo is-weydaarsanayeen kooxo maleeshiyaad ah iyo ciidamada Booliiska.

Taliyaha loo xil-saarey xasalinta magaalo madaxda Puntland ee Garowe Gen. Muxayadiin oo saxaafada la hadlay ayaa sheegey in iska-horimaadkaan uu dhacey kadib markii ciidamada Booliiska ay qabteen khamriga lagu iibsho.

" Xalay magaalada xabado badan ayaa ka dhacey, ciidankii howlgalka ayaa waxay tageen meelo warbixin laga siiyey oo Khamro loogu sheegey kabacdi halkaas nin ayay meeshii ka qabteen gaari wada, Ninkaas markaan kexeyney ayaa ciidankii lasoo weerarey, xabad baa ku bilaabatey taasoo muddo socotey, xabad wiifto ah ayaa ku dhacdey Gabar AHN guri joogta, magaceeda waa Marxuumad Faadumo Axmad Maxamad." sidaas waxa yiri Taliyaha ciidamada u xilsaaran xasailinta magaalada Garowe. 

Taliyaha ciidamada ayaa sidoo kale sheegey in ciidamada ka dhaawacmeen labo Askari, isagoo xusey in isku-horimaadkaan ku saleysanaa oo kaliya difaac Khamri soo buux dhaafiyey magaalada Garowe.

" Xashiishka iyo Khamriga meel aysan ooleyn ma leh, wax loo socdey iyo meel kale oo loo sidan lahaa ma jirto.' ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gen. Muxayadiin oo warsaxafdeed ku qabtey sakaa albaabka hore ee saldhiga dhexe ee Booliiska Garowe.

Taliye Muxayadiin ayaa hoosta ka xariiqey ineysan sinaba ku suuragaleyn in la ogaalaado in dalka Mukhadaraad la iska soo galiyo, laguna baa'biyo da'yarta soo koreysa.

Amniga magaalo madaxda iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa faraha ka baxay tan iyo intii Madaxweyne Gaas xilka qabtey Puntland. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa waxaa soo buux-dhaafiyey Khamri iyo mandooriyaal kale kadib markii ay fadhiid noqdeen hay'adihii amniga maamulkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowaan u magacaabey shaqadaan kadd markii amniga magaalo madaxda faraha ka baxay iyadoo habeenkii kooxo dhalinyaro ah oo tooreeyo wata dadka furanayee.

Gen. Muxayadiin oo la shaqeyn jirey xukumadii Madaxweyne Farole ayaa inta badan tan iyo intii Madaxweyne Gaas xilka Puntland qabtey aan shaqo muhiim ah ka qaban maamulkaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM