Iskaashiga ay isku raaceen Puntland iyo Galmudug oo la bogaadiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa soo dhaweeyay kulankii ay shalay magaalada Gaalkacyo ku yeesheen madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa isla meeldhigay iskaashi ay dowlad goboleedyadda ka yeeshaan dhinacyada; dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa rajeeyay in ay labada masuul in ay ka mira-dhaliyaan daddaalka ay bilaabeen ee ku aadan iskaashi ay yeeshaan

"Waxaan bogaadinayaa kulanka labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug. Is faham, wadashaqayn iyo Iskaashi dhexmara Galmudug iyo Puntland wuxuu dan u yahay xasiloonada labada dawlad Goboleed iyo danta guud ee Soomaaliya. Waxaan ka rajaynaynaa labada masuul in ay ka mira dhaliyaan daddaalka ay maanta bilaabeen," ayuu kusoo qoray Facebook.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug oo bogaadiyey kulan, ayaa filaya "in wadahadalada ay buuxiyaan himilooyinka labada bulsho iyo maamul ee ay hoggaanka u yihiin".

"Waxaan boggaadinayaa soona dhaweynayaa kulanka maanta magaalada Gaalkacyo ku dhex maray labada madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland, kulankaas oo muhiim u ah nabadda iyo xasiloonida gobalka mudug gaar ahaan iyo dowlad dhisidda Soomaaliya guud ahaan," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waxaan ka rajeynayaa laba hogaamiye inay ka soo saari doonaan wadahadaladooda wax yaabo buuxin kara himilooyinka labada bulsho iyo labada maamul ee ay hoggaanka u yihiin.

Maamuladda Puntland iyo Galmudug ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey wadashaqeyntooda, waxaana ay ku guuleysteen in ay xaqiijiyaan nabad-gelyada Gaalkacyo, lagana sifeeyo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM