Issimada Puntland oo dhexdhexaadin ka bilaabey Garowe iyo Qardho

Image

MUQDISHU, Somaliya- Warsidaha Garowe Online ayaa helaya in qaar ka tirsan Issimada Puntland ka dhex bilaabeen dhexdhexaadin Odey dhaqameedyada  ku sugan magaalada Garowe iyo Burhan Boqor kadib markii kulan la iclaamiyey in shirweyne u dhexeeya salaadiinta Somaliya lagu qaban doono magaalada Qardho.

Isimada bilaabey xalinta khilaafkaan oo tiradooda gareyso 13 xubnood ayaa waxaa hogaaminaya Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan kuwasoo galabta ku soo wajahan magaalada Garowe saacada geeska Afrika. 

Khilaafkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii qaar ka tirsan Isimada Puntland ka biyo diideen kulan magaalada Qardho uu kaga dhawaaqdey Boqor Burhan kaasoo lagu sheegey in dhamaan salaadiinta Somaliya isugu yimadeen.

Issimada Garowe oo warsaxadeed ka soo saarey kulankaan ayaa sheegey in go'aanka shirka Qardho aan loo dhameyn islamarkaana u jiro khilaaf u dhexeeya salaadiinta Puntland kasoo ku haboon tahay in la xaliyo marka hore.

Ilo ku dhow Isimada isu xilqaamey xalinta khilaafkaan ayaa wararku sheegayaan in wel wel ka muujiyeen kala maqnaanshaha Odey dhaqameedka Puntland xilli casumaad loo fidiyey dhamaan salaadiinta Somaliya.

Kala maqnaanshaha Isimada Puntland ayaa soo jirtey labadii sano ee ugu dambeysay taasoo shacabka Jecel amaanka mandaqadaan ku noqotey arin aan loo baahneyn madaama maslaxada guud ku dhumeyso.

Dowlada Puntland ayaan weli ka hadalin khilaafkaan soo ifbaxey taasoo ku soo beegmeysa xilli Madaxweyne Gaas maqan yahay iyadoo dad badan dhagtabu taagayaan talaabada dowlada qaadi doonto. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM