Jamac Deprani oo sharci daro ku tilmaamey xarigiisa [ Dhageyso]

Image

29 Nov, 2015 (GO)- Wariye Jamac Deprani oo maanta laga sii daayey xarig sharci daro ah ee muddo 11 cisho ah looga haystey xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa sheegey inuu ahaa mid sharci daro ah.

Deprani ayaa sheegey in xarigiisa iyo sii dayntiisaba aan loo marin sifo sharci ah iyadoo isaga oo ku xiran saldhiga dhexe ee booliska Garowe Makamada taleefan loogu sheegey in xabsi xalaaleyn muddo 15 cisho u sameyso.

Jaamac Deprani ayaa u mahad naqey dhamaan dadkii ka qayb qaatey sii deyntiisa gaar ahaan ururka saxafiyiinta Puntland [Map], xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, hay'adaha caalamiga ah iyo dhamaan waxgaradka reer Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM