​Jangali oo kusoo baxay kursiga Aqalka hoose

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka duulista hawada xukuumadda Federaalka Somalia ee waqtigeedu dhammaaday Cali Axmed Jaamac Jengali, ayaa ku guulaystay xubinta beeshiisa u matalaysa Barlamanka dowladda Somalia, kadib loollan adag oo la kulmay, murashaxiinta kala ah; Jaamac Xasan Khaliif, Cabdifataax Xaaji Camay iyo Cabdi Jaamac.

Xubin kamid ah Gudiga doorashooyinka heer Federaal, Siciid Jaamac Qorsheel, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorasho aqalka hoose ee ka dhacday caasumadda Puntland, wuxuuna sheegeen in Jangali uu kursigaas kusoo baxay kadib markii uu helay 30 cod, inkastoo dhowr wareeg uu galay.

Ninka kula tartamay wareegii labaad ee Jaamac Xasan Khaliif, uu helay 21 cod.

Jangali, ayaa madasha ka sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda Somalia iyo dadka soo doortay baahidooda.

Kursigan ayaa aad loogu loollamay, wuxuuna baaqday maalintii shalay, iyadoo la sheegay inuu farogalin ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland maadama uu tartamayay Cabdifataax Xaaji Camay oo qaraabo dhowyihiin.

Xukuumadda Puntland, ayaa farogalin toos ah ku haysa doorashada xubnaha Aqalka hoose u tartamaysa.

19 mudane ayaa ka haray qoondada Puntland ka heshay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo gaaraya 37 mudane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM