Jebiye: SINCAD iyo KAAH waa isu ekaadeen

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyaha urur siyaasadeedka SINCAD, Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa ku dhawaaqay in aanay qeyb ka ahayn jadwalka ay soo saareen guddiga lagu muran-san yahay ee Doorashooyinka.

"Qeyb kama noqonayno wax aan nalagala tashan waanuna ka tashanaynaa go'aan baanu qaadanaynaa".

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday in ay isku ekaadeen ururkiisa SINCAD iyo ururka madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay sii dhamaanayso, Siciid Cabdulaahi Deni.

"waa jirtaa oo niman aan saaxiibo nahay baa yiri waa isu ekaadeen KAAH iyo SINCAD laakiin caqli gal ma ahan aniga oo kursiga madaxweynaha doonaya in aan kusii hayo".

Ururada SINCAD, Ifiye iyo Mustaqbal ayaa dhawaan soo jeediyay aragti ah in Golaha wakiilada Puntland dadweynuhu soo doortaan balse taasi Dhag-jalaq looma siinin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM