Jubbaland oo sameynaysa Maxkamada Ciidamadda

Image

October 23, 2014 (GO)-Maamulka Jubbaland ayaa wada qorshe lagu hirgelinayo maxkamad ciidan oo ay yeelato Jubbaland, kaddib markay yimaadeen baahiyo badan oo loo qabo in la helo goob dadka gacanta lagu soo dhigo lagu maxkamadeeyo.

Dhismaha maxkmada ciidanka ee la doonaayo in dhawaan la hirgeliyo ayaa ku soo aadeyso xili ay hawlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka socdaan deegano badan oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Sargaal kamid ah ciidamaaada nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in baahida Maxkamad in la sameeyo ay keentay kaddib markay bateen Maxaabiista gacanta lagu dhigo oo ay hayaan laamaha nabad sugida Jubbaland kuwaas oo la soo qabqabtay iyagoo falal amniga lidi ku ah ku jiro.

Halka maxaabiista qaar loo haysto tuhuno kamid ah ku taagerida dhaqaale Al-Shabaab iyo in ay carruurtooda ku biiriyeen kooxda.

Sidoo kale waxaa la saarayaa Maxakamada ciidamada maamulka Jubbaland haddii ay geestaan dhibaato ka hor imaaneyso ammaanka.

Sameynta Maxkamada ayaa imaaneysa xili tirro badan oo dagaal yahanada Al-Shabaab lagu soo qabqabtay dagaalada ka socdo deeganada Gosha ee duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM