Kaalinta Ethiopian Airlines ee Shirka Maalgashiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Deni ayaa Isniintii wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay Shirka Maalgashiga Puntland, kaasi oo loo muddeeyay 15-ka bisha September ee sanadkan 2019.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo dhaqaaleyahan ah, ayaa shaaca ka qaadey in shirkan oo Puntland u horseedi doono kobac dhaqaale oo baaxad lah, isaga oo xusay in uu leeyahay faa'iidooyin.

Martida madasha lagu casuumay oo badankooda ah ganacsato ayaa ka kala imaan doona daafaha kala duwan ee caalamka, waxaana loogu yaboohay in ay loo fududeynayo gal ku galka.

Waxyaabaha mudada shirku socdo lagu soo bandhigayo waxaa kamid ah; fursadaha maalgashi ee degaanada Puntland ka banaan, tusaale ahaan kaluunka iyo kheyraadka dabiiciga ah.

"Marka laga soo tago amniga, kobacinta dhaqaalaha ayaa noo ah hadafka labaad ee qorshaheena," ayuu Deni ku yiri. "Kobacinta dhaqaalaha qaababka loo maro waxaa kamida Maalgashi".

Sidda uu ka dhawaajiyey Deni, shirkan ayaa sidoo kale hoos-udhigi doona shaqo la’aanta haysata da'yarta Puntland ee dalka wax ku baratay, wuxuuna barwaaqo u keenayaa Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa u balanqaadey maalgashatada in loo fududeyn doono tasiilaadka sida ammaanka iyo maalgalinta fursadaha ay doonayaan in ay wax soo saar ka sameeyaan.

Doorka Ethiopian Airlines

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ayaa 15-kii July duulimaadyo joogto ah ka hirgelisay Puntland, kuwaasi oo todobaadkii saddex jeer ayay ku tegi doonto magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Talaabadaasi waxay ka dambeysay markii madaxweyne Deni uu la kulmay madaxda shirkaasi ayna isla meeldhigeen. Fly Dubai iyo shirkado kale ayaa la filayaa dhankooda.

Ethiopian Airlines ayaa door weyn ku leh Shirka Maalgashiga Puntland kaasi oo ah dhanka is-gaarsiinta, maadaama ay tahay diyaarad caalami ah oo wadamo kala duwan u kala gooshta.

"Caqabada kaliya ee aan ka baqeynay waxay ahayd dhanka is-gaarsiinta. Ethiopian Airlines ayaana xalisay maadaama meel walba oo caalamka ah laga heli karo duulimaadyadeeda," ayuu raaciyey.

Maalgashatada shirkaasi kasoo muuqan doonta ayaa waxay ka kala imaan doonan wadamo ay kamid yihiin; Shiinaha, Imaaraadka iyo kuwa kale. Intaasi waxaa wehlisa, ganacsato Soomaali ah.

Inkasta oo shirkan horey loo qaban-jiray sanadkiiba hal jeer, waxyaabaha uu sanadkan kaga gedisan yahay ayaa ah xukuumadda oo mid kamid halbeegyadeeda uu yahay kobac dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM