"Kala aragti duwanaantii" Deni iyo Karaash oo lagu guuleystay in la xaliyo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqdey in "meesha laga saarey" kala aragti duwanaantii ka dhaxeysay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

Shaacinta ayaa kusoo beegantay xilli Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaash ay isla maanta ku kulmeen Madaxtooyadda magaala madaxda Garowe, iyaddoo ay goobjoog ka ahaayeen mas'uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, labadiisa ku xigeen iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa kamid ahaa madaxda kasoo muuqatay kulankaas.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland," ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyadda oo Facebook lagu faafiyey.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka".

"Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland," ayaa lagu soo xiray.

Kulamada ay garwadeenka ka ahaayeen gudoonka baarlamaanka iyo Isimada ayaa soo socday maalmihii lasoo dhaafay, waxayna markii hore la kulmeen Karaash, iyagoo shalay la qadeeyay Deni.

Natiijadda kasoo baxday dedaaladooda ayaa noqotay in ay kulmaan isla markaana ay madaxtooyadda ku dhawaaqdo in lasoo gabagabeeyay kala aragti duwanaantii ka dhaxeysa labada mas'uul ee ugu sareysa laanta fulinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM