Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo lasoo xiray

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo maanta qabsoomay waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-gudoonka ku wehliyey.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, sanadkii 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada DPL ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL go'aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Sidda lagu sheegay qoraal, fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa si rasmi ah uu Gudoomiyaha Golaha Wakaalada Dowladdu usoo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo soo socday illa June 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa lagu sheegay in uu noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM