Kalfadhiga Baarlamaanka Dowlada Puntland oo furmay

Image
Image
Image
Image
Image

October 25, 2014 (GO)- Kalfadhiga 34-aad ee Baarlamaanka ayaa maanta oo Sabti ah waxaa furay madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo ah ku sime madaxwayne.

In ka badan konton mudane iyo marti sharaf kale oo saraakiil ka socda hay'addaha caalamiga ah ayaa kasoo qayb galay furitaanka waxana ugu horayntii ka hadlay Afhayeenka Barlamaanka Siciid Xasan Shire.

Shire ayaa si dulmar ah uga hadlay ajandayaasha fadhigan wuxuna sheegay in looga hadlayo miisaaniyada dowladda, is-badal lagu samaynayo goobta fadhiga u ah xildhibaanadda iyo adkaynta amniga xarunta.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay ayaa tilmaamay dowladdu inay guulo ka gaartay adkaynta amniga iyo la-dagalanka kooxda Al-Shabab iyo waliba heshiiskii PL iyo DFS ku kala saxiixdeen 14-ka bishaan magalada Garowe.

Arrimaha dhaqaalaha iyo in la isku tashado ayuu ka hadlay Camay wuxuna muujiyay inay ka go'an tahay sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha oo hoos u dhac ku yimi.

Sidoo kale inta uu socda fadhiga baarlamaanka waxaa looga doodi doonaa xeerka saxafadda oo muran badani horay uga jiray ka dib markii fadhigii hore wasiirka warfaafinta baarlamaanka horgeeyay xeer aan ahayn kii lagu wada heshiiyay ee ay soo meelmariyeen wasiiraddii dowladdii Cabdiraxmaan Farole.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Faysal Khaliif Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga waxa uu mudanayaasha ka codsaday inay ansixiyeen xeerka saxafadda oo ah kii u dhaxayn lahaa saxafadda madaxa banaan iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

October 25, 2014 (GO)-

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM