Karaash: Kufsiga haweenka waa kasii xagjireysan yahay AlShabaab

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta cilmi baadhista Puntland PDRC kaga qayb galay xuska sanad guurada 25-aad ee shirweynaha caalamiga ah ee Dadka iyo Horumarka.

Xuska Sanad Guurada 25-aad ee Shirweynaha Caalamiga Ah ee Dadka iyo Horumarka ayaa loo asteeyey in sanadkiiba maalintan oo kale la qabto waxaa ay salka ku haysaa horumarinta dadka ee arrimaha waxbarashada, caafimaadka, xuquuqda, naas-nuujinta, la-dagaalanka tacadiyada, sida Kufsiga iyo Gudniinka Fircooniga ah iyo yaraynta dhimashada la xidhiidhta Dhalmada ( Ummul Arooridda iyo Nafaqo darida xilliga uurka).

Ku-simaha Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalintani ayaa tilmamay inay tahay maalin muhiim ah maadaama ay ku astaysan tahay maalinta Dadka iyo Horumarka ee arrimaha Waxbarashada Caafimaadka, xuquuqda iyo suurinta tacadiyada soojireenka ah, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in hablaha Soomaaliyeed laf-dhabar u yihiin bulshadooda, ayna mudan yihiin in laga fekero mustaqbalkooda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Dowladda Puntland muhiimad gaar ah siiso kobcinta arrimaha haweenka, waxaana uu beesha caalamka kubooriyey in ay qayb ka noqdaan dedaalka rimahaasi ee ka hortagga tacadiga dumarka, waxbarashadooda iyo caafimaadkoodaba, Madaxweyne Karaash waxaa uu tilmaamay in tacadiga dumarka, gaar ahaan Kufsigu ka sii-xagjiro dhagar-qabayaasha Al-shabaab iyo kuwa la halmaama.

Xuska maalintani muhiim ka ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana Ku-simaha Madaxweynaha kala qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Xubun ka tirsan Golaha Shacabka DFS, madaxda hay’addaha UN-ka, ururada bulshada rayid ka ah, siyaasiyiin, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM