Puntland oo fulineysa xeerka Kufsiga xili ay cadaalad sugayaan dhibanayaal

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019.

Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron;-

1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga,

2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga,

3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo,

4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

Amarka uu bixiyay Karaash ayaa kusoo aadaya iyadda oo ay jiraan laba kiis oo waa wayn oo faroxumeyn la xiriira, kuwaasi oo isha lagu hayo sida ay Puntland ula macaamisho.

Puntland State House + GO

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM