Karaash oo dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa wuxuu dalacsiiyey sarkaal ka tirsan booliska, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda.

Sidda ku xusan digreetadda oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online, Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

=DHAMMAAD=


Mr Cawed ayaa kamid ah xubnaha ku nool degaanadda maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ee la nool xanuunka dilaaga ah ee Adis-ka oo maanta xuskiisa lagu qabtay Garowe.

MUUQAALKA CAWED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM