Karaash oo kulan la qaatay wafdi ka socday Kilinka Shanaad

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah kula qaatay magalaada Garoowe wefti Isimmo ah uu hogaaminayo Garaad kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Wiil-waal, kuwaasoo kasoo kicitimay dowlad deegaanka Soomaalida.

Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Isimada ah ayaa safarkoodu daaranaa dhamaystirka Heshiis Beelo Walaalo ah oo 2 sano ka hor diriri ku dhexmartay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM